JAAMACADDA HOPE
oo markii ugu horeysay Somaliland ka hirgalisay Shahaadada Master Degree

Jaamacada Hope Medical&Technology University ayaa markii ugu horeysay Somaliland ka hirgalisay Shahaadada Masterka kadib markii ay heshiis Academic ah la saxiixatay jaamacada Kampala University ,taasoo fursad gaar ah u ah dhamaan inta ku hamisnaysa in ay sii wataan waxbarashdooda sare ee Jaamacadaha ka baxay, waana markii ugu horeysay ee Ardayda Somaliland Dalka gudihiisa ka helo fursada waxbarsho sare ah.

Heshiiskalabada jaamacadood ayaa la goo wanqalay xaflad balaadhan oo manta oo bishu tahay 5/12/2009 ka dhacday hotel maansoor, waxaana goobjoog ka ahaa xafladaa qiima badan masuuliyiin sare oo ka socday xukuumada somaliland iyo xisbiyada qaranka. Waxaa ugu horeen halkaa hadal qiima badan ka soo jeediyey gudoomiyaha jaamacada Hope Prof: Najiib Sh. Abdul Kariim oo xusay in fursadani timid dadaal dheer kadib iyo markii ay dareemeen baahada loo qabo in la helo waxbarsho sare oo Master Degree iyadoo ardaygu joogo hooygiisa.

Waxaana uu daah ka qaaday in ay xafladani tahay sooyaal cusub oo u bilawday bahda waxbarashada gaar ahaana waxbarashada sare, waxaa uu cadeeyey in lagu guulaysaty furista waxbarashada heerka jaamacadeed laakiin in la helo waxbarashosare oo master ah ay adkaatay taasina ay qasab ku aheyd in loo socdaalo dalal fog iyadoo duruufta daqaale ee manta lagu jiraana ay dabartay in badan oo u hamuun qabtay waxbarashada sare.

Waxaa isna meesha ka hadlay Prof. Jugu oo ah sargaal sare oo ka socday jaamacada Kampala University waxaana uu xusay in ay manta tahay maalin taariikhi ah guulna u tahay labada shacab ee Somaliland iyo Uganda in ay furan fursad waxbarsho oo ay ka faaiidaystaan jiilka manta ee horay u dhameystay heerka jaamacadeed.
Waxaa uu xusay in jaamacada kampala heshiis iskaashi la gashay jaamacada hope si loo hirgaliyo himiladaa loona helo fursad u sahasha ardayga inuu qaato shahaado master ah isagoo jooga hoygiisa…………..

Waxaa iyaguna hadalo qiimo badan halkaa ka soo jeediyey xildhibaan Yaasiin Sh. Cali Ayaanlle iyo Siyaasiga ahna xooghaya guud ee xisbiga Kulmiye Kayse Xasan Ciise iyo rugcadaaga caanka ah Ampassdor Ibrahim Hasan GamGam…
Xafladaa lagu daah furayey hirgalinta waxbarashada sare ayaa ku dhamaatay guul iyo farxad, aadna ugu riyaaqeen marti sharaftii goobta joogtaya kadib markii ka soo qayb galayaasha hortooda labada jaamacadood isku dhaafsadeen ajendayaashii heshiiska.
HMTU Information Office